Diyaarad saaka Nairobi ka qaadeysa Soomaali laga tarxiilayo Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarad saaka Nairobi ka qaadeysa Soomaali laga tarxiilayo Kenya

Nairobi – Mareeg.com: Waxaa lagu wadaa in saaka garoonka diyaaradaha Jome Kenyatta ee magaalada Nairobi laga dhoofiyo ilaa 80 Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ah dadkii maalmihii lasoo dhaafay laga raafay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Wasirka amniga gudaha Kenya Joseph Ole Lenki oo la hadlay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay in qeybta koowaad ee Soomaalida dalkooda lagu celinayo ay gaarayaan ilaa 160 ruux, isagoo dhanka kale sheegay in dadka la celinayo yihiin kuwa aan sharciga heysan.

Joseph Ole Lenki ayaa tilmaamay in dadkii heysta sharciyada ay u fasaxeen iney howlahdooda dib ugu laabtaan, isagoo dhanka kale tilmaamay iney sii wedayaan daad gureynta dadka aan sharciga ku joogin Kenya.

Dadkan ayaa dowladda Kenya ku eedeysay iney si sharci darro ah ku joogeen dalkeeda, waxaana diyaaradda qaadeysa ka dejneysaa caasimadda Soomaaliya ee Mqudisho.

Dadka ay dalkeeda ka tirxiileyso Kenya ayaa la isuguy geeyey saldhig boolis oo ku yaalla garoonka diyaaradaha Jome Kenyatta, halkaas daqiiqadaha soo socda looga dhoofinayo Soomaaliya.

Waxaa garoonka Jome Kenyatta tegay Soomaali farabadan oo ehello la ah dadka la tarxiilayo si ay dadkooda u sagootiyaan, waxaana weriyaasha ku sugan Nairobi sheegayaan in dadka badankood si qasab ah lagu celinayo, iyagoo xitaa aan guryahooda wax alaab ah kazoo qaadan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre sheegay iney dowladda Kenya ka codsadeen inaan xabsi la geyn Soomaalida aan sharciyada heysan ee boolisku qabtaan, oo taa badelkeeda ay dalkooda ku celiyaan.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa ciidamada amaanka Kenya waxey xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badantahay ka qabqabteen ilaa 4 kun ruux oo Soomaali u badan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!