Diyaarad qaad sidday oo shil ku gashay garoonka Guriceel ee gobolka Galgaduud

Read Time:54 Second

Guriceel – Mareeg.com: Diyaarad qaad siday ayaa saaka shil ku garoonka diyaaradaha deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, sidaas waxaa xaqiijiyey gudoomiyaha deegaankaas Cusmaan Ciise Taardhuleed.

Taar-dhuleed ayaa sheegay in shilkaas uu sabab u ahaa duuliyaha diyaaradda oo uu xisay in diyaaradda uu ka dajiyay meel ahayn halkii loogu talo-galay.

“Diyaarad qaad sidday oo Nairobi ka timid ayaa saaka shil ku gashay garoonka Guriceel, waa diyaaradii subax walba imaan jirtay Guriceel, dhibaatada waxay ka timid duuliyaha oo meesha diyaarada ku degi lahayd meel aa aheyn ku dejiyay, taasoo sababtay in diyaaraddu ay ka baxdo dhabbaha,” ayuu yiri Taar-dhuleed.

Sidoo kale, guddoomiyaha Guriceel wuxuu sheegay in diyaaradda aysan burburin, balse uu gaaray dhaawac, ayna bad-qabaan duuliyihii diyaaradda, jaadkii si nabad ah looga dajiyay.

Taar-dhuleed ayaa intaas ku daray inaanay suuro-gal aheyn in diyaaraddu ay dib ugu laabto maanta magaalada Nairobi, isagoo xusay in shilkan uu yahay kii labaad oo ka dhaca garoonka diyaaradaha degmada Guriceel.

Diyaaradda ayaa sidday ilaa 6 kun oo tan oo qaad ah, kaasoo loo waday Guriceel, Caabuwaaq, Dhuusamarreeb, Beledweyne iyo degmooyin kale.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.