Diyaarad Milatari oo ruushka oo siiriya ku sii jeeday oo burburtay? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarad Milatari oo ruushka oo siiriya ku sii jeeday oo burburtay?

Diyaarad Milatari ay leedahay Dowlada Ruushka kuna sii jeeday dalka Siiriya ayaa ku bur burtay meel ku dhaw Badda Madow xili ay Diyaaradaasi ka duushay garoon kuyaala magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Sida ay baahinayaan Warbaahinta dalka Ruushka diyaaradan ayaa siday 91-qof oo u badnaa koox shaqaale adeegayaal ah oo katirsanaa Milatariga Dowlada Ruudshka, waxaana Diyaaradan bur burtay ay kusii jeeday gobolka Latakia ee dalka Siiriya.


Wasaarada Gaashanadhiga Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad milatari oo nuuceedu ahaa Tu-154 ay ku bur burtay meel 1.5 Km u jirta xeebta badda badow ee magaalada Sochi, diyaaradan ayaana inta aysan bur burin kahor hawada laga waayay mudo 20-daqiiqo.

Diyaarada bur burtay ee lahaayeen Milatariga Ruuska ayaa waday dad doonayay in damaashaadka sanadka cusub kusoo gutaan gobolka Latakia ee dalka Siiriya, waxaana halka lagu arkay bur burka diyaarada loo diray kooxo gurmad ah.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!