Diyaarad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo lagu xayiray magaalada Boosaaso — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo lagu xayiray magaalada Boosaaso

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee magaaladaasi ay ku xayireen garoonka diyaaradaha Boosaaso diyaarad laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Diyaaradan ayaa loo diiday inay ka duusho garoonka diyaaadaha kadib markii ay diideen in la baaro boorsooyinka ay wateen qaar kamid ah ciidamada Imaaraadka oo tababara ciidamada maamul goboleedka Puntland.

Is afgaranwaa ayaa dhex maray ilaalada garoonka iyo dadkii raaci lahaa diyaarada waxaana weli xayiran diyaaradaasi kadib markii ay ka madax adegyeen saraakiisha imaaraadka carabta in la baaro boorsooyinka iyo waxyaalaha kale ee ay wateen.

Majiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee la xiriira xayiraada diyaaradan loo geystey.

Xiriirka dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xumaanayay tan iyo markii dhowaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag malaayin doolar ah taasoo sababtay in labada dal ay hadalo kulul isweydaarsadaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!