Diyaarad la sheegay inay ku dhacday meel ku dhaw degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaarad la sheegay inay ku dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo maamulka degmada ay ku warameen inay arkayeen diyaarada joog hoose ku socota oo sii dhaceysa.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarada ay ku dhacday goob ku dhow saldhig Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee agagaarka Saldhigga Ballidoogle, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Ciidamo Mareykan ah.

Goobta ay diyaaradda ku dhacday ayaa la sheegay in aanay ku sugneyn Shabaab iyo ciidamada dowladda, balse ah goob ay mararka qaar yimaadaan Al-Shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay inay maqleen wararka sheegaya diyaarada ku dhacday duleedka Wanlaweyn, isla markaana ay warbixin kala qaadanayaan maamulka Wanlaweyn, saraakiisha booliska iyo ciidamada ku sugan Garoonka Balli-doogle.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in diyaarada ay ku sii jeeda garoonka Balli-doogle oo ay ku degaan diyaaradaha caadiga ee saadka iyo sahayda u sida ciidamada ku sugan Balli-doogle.

Lama sheegin nooca diyaarada aheyd iyo cida laheyd, hase ahaatee dadka deegaanka Wanlaweyn ayaa sheegaya in diyaarada ay u muuqata nooca xamuulka ah, isla markaana ay rakayeen iyadoo sii dhaceysay.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245