Diyaarad ku socotay Muqdisho oo ku dhacday Nairobi

Nairobi – Mareeg.com: Diyaarad yar oo ah nuuca Fokker 50 oo ka baxday magaalada Nairobi, kuwna sii jeeday Soomaaliya ayaa saaka ku dhacday meel ka mid ah daafaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Sida ay baahisay Capital FM, diyaaraddan oo ka kacay garoonka caalamaiga ah ee Jomo Kenyatta waxey siday Qaad, waxaana la sheegay iney la socdeen 4 ruux oo labo ahaayeen duuliyaha iyo kaaliyihiisa iyo labo ruux oo kale. Diyaaradda ayaa warar horudhac ah sheegayaan iney ku dul burburtay goobo ganacsi oo ku taalla xaafadda Utawala ee deegaanka Embakasi, waxaana Bisha Cas ee Kenya sheegtay iney dhinteen 4-tii qof ee diyaaradaas la socday. Kooxaha dabdamiska Nairobi ayaa ku guuleystay iney damiyaan dadbkii ka kacay diyaaradaas, waxaana la dilaabay in buruburka laga baaro dadkii diyaaradda la socday. Diyaarado yar ayaa maalin kasta ka duula Kenya, kuwaasoo Qaad u daabula gobollada kala duwan ee Soomaaliya. Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245