Mareeg.com: Diyaaradan oo la doonayo in ay ku soo wareegto dunida ayaa waxa ay guda gashay duulimaadkeedii ugu dheeraa, oo waxa ay hawada ku jiri doontaa muddo lix maalmood ah iyadoon meelna ku hakanayn.
Duulimaadkan ayaa haddii lagu guulaysto waxa uu noqon doonaa midkii ugu dheeraa taariikhda ee mar qur ay sameyso diyaar ku shaqeysa ileyska qoraxda ee lagu magacaabo Solar Impulse-2.
Duulimaadkan tijaabadda ah ee diyaaraddan oo hal kursi ayaa waxaa wada laba nin oo u dhalatay dalka Switzerland oo la kala yiraahdo Bertrand Piccard iyo Andre Borschberg.
Kaddib markii muddo shan usbuuc ah la sugayay cimilo u saamixi karto diyaaradan in ay ku duusho, ayaa diyaaradani ku shaqeysa ileyska cadceeda waxa ay ka duushay magaalada Nanjing xilli qabow oo habeen ah.
Nalalka ku xiran geesaha diyaarada ayaa ahaa kuwo aad u iftiimayay.
Maalintii ayaa diyaaradan oo uu ku xiran yahay soolar gaarsiisan 17 kun oo unug waxa ay u sahlaysaa in ay saacadiiba jarto 70 km.
Diyaaradan ayaa miisaan ahaan waxa ay la eg tahay qiyaastii hal gaari oo nooca yaryar ah.
Duulimaadkan oo ay diyaaradu ku tegi doonto gobolka Hawaii ee Mareykanka, iyadoo sii dulmari doonta badda Pacific-ga, ayaa ah mid ay halistiisu badan tahay.
Subaxkastaa xilliga ay qoraxda soo baxdo ayaa bateriyada ku xiran diyaaradan ayaa dabkooda waxa uu hoos u dhacayaa wax ka yar boqolkiiba 10, mudada lixda maalmood ah ee ay diyaaradu ku jirto hawada.
Diyaaraddan waxa 09-03-2015 duullimaadkeeda ka bilowday garoon ku yaala magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Marki diyaaraddan ka dhaqaaqaday dalka Imaaraadka Carabta waxey qabatay dhanka dhanka dalka Saldanadda Oman, waxeyna uga sii gudubtay dalka Myanmar (Burma) iyo China, iyadoo loogu talagalay iney muddo 5 bilood ah socdaasho.
Diyaaraddan cusub ayaa leh baalal balacuudu gaarayo 72 mitir, halka culeyskeeduna dhanyahay 2.3 tan, kaasoo in badan ka fudud diyaaradaha caadiga ah.
Fudeydkaasi ayaa muhiim u ah guusha duulitaanka diyaaraddan oo la dhisay muddo 12 sano ah.
Mareeg Media