Diyaarad hub sidda oo muran ka abuurtay Nigeria * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarad hub sidda oo muran ka abuurtay Nigeria

Mareeg.com: Dowlada Ruushka ayaa sheegtay inay iyadu leedahay diyaaradii hubka waday ee lagu qabtay magaalada Kano ee dalka Nigeria, inkastoo ay horay u sheegtay in diyaaradaasi aysan lahayn.

Milatariga dalka Nigeria ayaa shalay sheegay in uu gacanta ku dhigay diyaarad sidday shixnad hub iyo rasaas ah oo ku socotay dalka deriska ah ee Chad.

Sarkaal ka tirsan safaarada Ruushka ee dalka Nigeria ayaa sheegay in diyaaradasi uu Ruushku leeyahay ayna hub u waday ciidamada nabad ilaalinta ee Faransiiska ee jooga dalka Chad.

Diyaarada ayaa weli ku xayiran garoonka magaalada Kano waxaan jira shaki weyn oo laga muujinayo halka ay diyaarada u socotay iyo cida iska leh hubka saran. Arimaha la is weydiinayo waxaa ka mid ah sababta uu Faransiiska u isticmaalayo diyaarad Ruush-ka uu leeyahay waa hadii uu jiro warka sheegaya in hubka loo waday ciidamada Faransiiska. Sidoo kale waxa ashaki laga muujinayaa sababta diyaarada ay u martay magaalada Kano ee dalka Nigeria.

Dalka Nigeria waxaa saran cunaqabatayn xaga hubka ah. Dalkaasina waxuu dagaal kula jiraa kooxda Boko Xara moo ilaa hada haysata in ka badan 200 oo gabdhood oo afduubteen. Magaalada Kano ee diyaarada lagu hayo dhowaan waxa aka dhacay qarax ismiidaamin ah oo qof naftiisa huray uu misaajid ku dilay dad ka badan 100 qof

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!