Diyaarad Helicopter ah oo sida deeq daawo ah oo ka degtay magaalada Jowhar (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarad Helicopter ah oo sida deeq daawo ah oo ka degtay magaalada Jowhar (Sawirro)

08/11/2013(Mareeg.com)Deeqdii u horeysay oo daawo ah oo ka socota dowladda Soomaaliya ayaa shalay la gaarsiiyay magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
jowhar_city
Deeqdan daawada ah ayaa waxaa lagu geeyay Jowhar diyaarad Helicopter ah oo tiro dhowr jeer isaga daba noqotay magaalada.
medicine-jowhar city
Inkastoo ay adag tahay in xilligan magaalada Jowhar gaadiid dhinaca dhulka ah gar gaar lagu gaarsiiyo, maadaama wadooyinka soo galayay ay biyo gooyeen.

Deeqdan daawadan ayaa waxaa lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe iyo kan degmada.

Wararka ka imaanaya tuulooyinka ku dhow dhow Jowhar ee ay aafeeyeen fatahaadaha ayaa sheegaya inuu ka jiro cuduro ay ka mid yihiin malaariyada.

Madaxweynaha Soomaaliya oo doraad gaaray Jowhar ayaa balan qaaday in gar gaar la soo gaarsiinayo dadka ku nool magaalada ee dhibaateeyay fatahaadaha wabiga Shabelle.

Magaalada Jowhar ayaa waxay iminka u muuqataa mid Jaziirad ah, waxaana hadii gar gaar la soo gaarsiinayo ay adag tahay in dhinaca dhulka ah loo soo marsiiyo, maadaama saddexdii jid ee looga soo galayay ay noqdeen kuwo fatahaada wabiga Shabelle ay gooyeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

1 Comment
  1. walamow says

    Jowhar Qurux ilaahey waa siiyayey

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!