Muqdisho: Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya ee Alshabaab ka taliyaan ayaa sheegaya in galabta wax yar ka hor maqribka diyaarad dagaal oo ah nuuca aan duuliyaha laheyn ee Drones ay gentaal la dhacday gaari marayey inta u dhaxeysa deegaanka Xaramka iyo degmada Jilib.
Gaariga la weeraray waxaa loo badinayaa iney la socdeen saraakiil ka tirsan Alshabaab, iyadoo dhanka kale cidda weerarka qaaday loo maleynayo Mareykanka oo horay weeraro uga geystay meelo ka mid ah Soomaaliya.
Warar horudhac ah oo soo baxay ayaa sheegaya in labo ruux ay ku dhinteen weerarkan ay geysatay diyaarada dagaalka ee Drone-ka ah.
Goobjoogayaal ayaaa warbaaahinta u sheegay iney maqleen qarax xoog leh oo dhacay, kaasoo lala beegsaday gaari wadada scdaalayey oo burburay.
Lama oga cidda diyaaradaas bartilmaameedsatay iyo khasaaraha weerarkaasi geystay, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo kazoo baxay Alshabaab oo loo maleynayo iney iyaga weerarka lala beegsaday.
Weerarada nuucaan ah ayaa looga bartay dalka Mareykanka oo horay sidaan oo kale u beegsaday meelo ay joogeen saraakiil Alshabaab ah, kuwaasoo uu ugu dambeeyey weerar toos ah oo Mareykanku ku qaadeen degamada Baraawe horaantii bishaan October 2013.
Mareeg.com