Diyaarad ay leedahay Itoobiyan Airways oo la afduubay kuna degtay Switzerland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaarad ay leedahay Itoobiyan Airways oo la afduubay kuna degtay Switzerland

Geneva – Mareeg.com: Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airways oo nuuceedu yahay Boeing 767, kana tagtay magaalada Adis Ababa, kuna soo jeeday magaalada Roma ee dalka Taliyaaniga ayaa si degdeg ah ugu degtay garoonka diyaaradaha magaalada Geneva ee dalka Switzerland kadib markii qof ka mid ah rakaabku uu isku dayey inuu afduubto.

Afhayeen u hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Geneva ayaa sheegay in doyaarad afduuban oo Itoobiya leedahay kusoo degtay garoonka, islamarkaana la xiray gegidka kadib markii diyaaradaas soo caga dhigatay.

Afhayeenka ayaa sheegay in mar dambe ciidamada amaanku xireen qofkii isku dayey afduubka oo markiiba dalbaday megengelyo, lamina sheegin ilaa hadda dalka qofkaasi u dhashay.

Shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airways ayaa xaqiijisay in la isku dayey in la afduubto mid ka mid ah diyaaradaheeda, taasoo dhaqsi u fariisatay garoonka diyaaradaha Geneva.

Ethiopian Airway ayaa sidoo kale sheegtay in dhamaan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradduu nabad qabaan, islamarkaana ay waddo qorshe dadkii diyaaradda la socday lagu genayo meelihii ay u kala socdeen.

Ethiopian Airwasy ayaa ah shirkada diyaaradeed oo ay leedahaya dowladdda Itoobiya, waxaana la sheegay iney tahay shirkadda ugu horumarka ka badan qaaradda Afrika.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!