Diyaar garowga Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (Warbixin) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Diyaar garowga Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (Warbixin)

Iyadoo la soo gaba gabeeyay dhismaha maamul goboleedka Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, kadib markii maalinimadii shalay lagu doortay degmada Cadaado Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa waxaa haatan diyaar garow loogu jirtaa dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen oo ku guuleystay howshii maamul u sameynta Galmudug, ayaa sheegay in dhowaan la guda geli doono maamul u sameynta Labada Gobol ee haray Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Siyaasiyiin, waxgarad iyo bulshada ka soo jeeda labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa wada tashiyo ka lahaa arrimaha maamul u sameyntan, waxaana lagu wadaa in dhowaan Muqdisho uu ka dhaco shir looga hadlayo Maamul u sameynta Labadan Gobol.

Kulamada wada tashiyada ayaa ka socda magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Beledweyn, iyadoo shir dib u heshiisiineed uu ka socday Beledweyn, kaasoo beelaha ku dhaqan Gobolka Hiiraan lagu heshiisiinayay, isla markaana loogaga hadlayay aayaha Gobolka.

Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in bisha soo socota ee Agosto Muqdisho lagu qaban doono shirka loogu sameyn doono Road Map ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dowladda, Wasiirada xukuumada ee labada gobol ka soo jeeda, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo beesha Caalamka oo marqaati ka noqon doona.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirka Muqdisho ka dhici doona bisha soo socota lagu saxiixi doono Road Map-ka maamulka Shabeelle State oo kala ah halka gogosha maamul u sameynta la dhigi doono, caasimada maamulkaas uu yeelanayo, waxaana Madaxweynaha la dooranayo ka imaanayaa labada gobol midkood, hadii lagu heshiiyo caasimada halka ay noqoneyso.

Inkastoo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay horay u cadeysay in marka uu soo dhamaado Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud ay ku xigto Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo diyaar garow xoogan loogu jiro.

Maamulada Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa diyaar garow ugu jira howlaha maamul u sameynta Labada Gobol, waxaana si aad ah maalmihii u dambeeyay looga hadal hayay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn arrimaha maamul u sameynta gobolladan.

Laakiin arrimaha hadal heynta ayaa ah in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ay dadaal ugu jiraan sidii Gobolka Hiiraan labo gobol looga dhigan lahaa, isla markaana uu yeesho maamul.

Siyaasiyiinta Gobolka ka soo jeeda ayaa xusul duub ugu jira sidii Hiiraan uu u noqon lahaa Gobol iskiis ah, oo aan lagu darin Shabeellaha Dhexe, waxaana la ogeyn sida arrintan u najixi doonto, iyadoo ay dhici karto inay keento caqabado soo food-saara bilowga howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Haddii lagu guuleysto Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe wuxuu noqon doonaa maamul goboleedkii afaraad oo Federaal ah, iyadoo laga war dhowrayo in Caasimada Muqdisho ay yeelato maqaam gaar ah.

By C/casiis Golf

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!