Categories
Af Soomaali

Moqdishu:Dilayaashii Isil oo ciidanka amaanku ku toogteen Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Nabadsugida ayaa goor dhow suuqa Bakaaraha ku toogtay labo dhalinyaro oo ku hubeysnaa bastoolad, kuwaasoo la toogtay ka hor inta aysan dilal qorsheysan ka fulin Suuqa.

Wararka ayaa sheegaya in markii hore labada dhalinyaro laga shakiyay, waxaana la isku dayay in la baaro, hase ahaatee ay bastoolado la soo baxeen, iska hor imaad kooban kaddibna la toogtay.

Goobjoogayaal ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in labada dhalinyaro lagu dilay dhabarka dambe ee Shirkadda Dahabshiil, waxaana falkan uu ahaa kii u horeeyay noociisa ee muddooyinkan ka dhaca Suuqa Bakaaraha.

Suuqa Bakaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay fuliyeen kooxo hubeysan, waxaana bishan gudahood suuqa lagu dilay labo ruux, iyadoo mas’uuliyada dilka ay sheegteen Daacish.

Maalintii shalay ayay aheyd markii nawaaxiga Isgoyska Suuqa Bakaaraha lagu dilay askar ka mid ahaa Ciidamada Taraafikada, kaasoo la toogtay, xilli uu gaari yar ag taagnaa.

Kooxda Daacish oo muddooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ka waday Suuqa Bakaaraha ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka, waxaana ay soo bandhigtay sawirro muujinaya toogashada Askariga ka tirsanaa Ciidanka Taraafikada.

By A warsame

Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com
or Mobile :+447737886245