Dilalka qorsheysan oo kusoo badanaya degmada Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dilalka qorsheysan oo kusoo badanaya degmada Afgooye

Mareeg.com: Dilalka qorsheysan ayaa kusoo badanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabelelaha Hoose, iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay la dilay 4 ruux oo mid u shaqeynayey maamulka degmada.

Maalintii sabtida ayaa Afgooye lagu dilay wiil la sheegay inuu kasoo goostay Alshabaab oo maamulka degmada la shaqeynayey, halka habeen hore la dilay nin ganacsade ah.

Xalay ayaa hadana labo askari oo ka tirsan maamulka dowladda ee Afgooye waxaa siyaabo kala duwan loogu diley xaafado ka mid ah degmadaas.

Dilka koowaad ee xalay waxa uu ka dhacay xaafadda 21-ka Oktoobar, waxaana loo geystey askari ka tirsan waaxda minishiibiyada ama dowladda hoose ee Afgooye, kaas oo lagu hor diley gurigiisa.

Dilka labaad waxa uu ka dhacay xaafada Imbakaati waxaana halkaasi lagu diley askari ka tirsan ciidamada booliska ee degmada.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!