Mareeg Media
Somalia

Dilal ka dhacay Magaalooyinka, Gaalkacyo,Afgooye & Muqdisho

Rag ku hubeysnaa sida la sheegay bustoolado ayaa xalay Xaafada Daaf Eyle ee degmada Afgooye,waxaa ay ku dileen Nin lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun,iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninka la dilay uu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildbibaannada Koonfur Galbeed ee waqtigooda uu dhamaaday.

Dhinaca kale Rag hubeysan ayaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku dileen taliyihii nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee Maamulka Puntland.

Taliyaha la dilay oo lagu Magacaabi jiray Korneyl Xaashi Aaden Cilmi ayaa la  toogtay xilli uu ku sugnaa Xaafad lagu Magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga Gaalkacyo,iyaga oo goobta ka baxsaday.

Ciidamada Ammanaka Puntland oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa la sheegay inay sameeyeen howlgallo baaritaano ah in kastoo aan wax dad ah lagu qaban.

Sidoo kale rag la sheegay inay ahaayeen Burcad ayaa Xaafada Jamuuriya ee degmada Kaaraan waxaa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa xilli ay ka dhacayeen taleefoonka Gacanta oo uu watay.

Wararaka ayaa waxaa ay sheegayaan in dilka kahor Kooxda burcada ah iyo wiilka dhalinyarada ah ay wada murmeen taas oo keentay inay dilaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!