Dil ka dhacay Mareykanka oo ifbixyey meydad fara badan oo la qariyey

Read Time:40 Second

Mareeg.com: Dalka Mareykanka waxaa fal-dambiyeed dhacay soo ifbixiyey dad kale oo badan oo horay loo dilay, islamarkaana aan laha warqabin.

Dembi baarayaasha baaraya qofka dilay todobo dumar ah oo lagu dilay dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Indiana, ayaa sheegay, in qofka sida weyn looga shakisan yahay inuu u sheegay inay suurta gal tahay inuu dilay dad aad u badan 20 kii sano ee la soo dhaafay.

Baarayaasha waxa ay sheegayaan in Darren Vann, oo 43 sano jir ah, inuu qirtay dilka, markii la weydiiyay gabar 19 sano jir ahayd oo lagu dilay albeergo ku taala magaalada Hammond.

Booliska waxa ay sheegayaan in akhbaarta uu ninkaasi bixiyay in ay u fududeysay helidda lix mayd oo kale, kuwaas oo la dilay laguna qariyay maydadkooda guryo cidlo ah oo ku yaalla Waqooyiga galbeed ee gobolka Indiana.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.