Categories
Af Soomaali Africa Somalia

Dil ka dhacay duleedka Muqdisho & Shabaab oo ka hadlay

Wararka laga helayo Deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay toogasho ku dileen Askari katirsanaa Ciidamada Dowladda.

Askariga ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku jiray howshiisa Shaqo,waxaana goobjoogayaal sheegeen in askariga uu katirsanaa Ciidamada Millateriga,isla markaana dadkii ka dambeeyey dilka ay baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa shegtay mas’uuliyadda dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, iyaga oo sheegay in dhibaato uu ku haayay Shacabka.

Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya oo gaaray goobta dilka ka dhacay ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo dad badan lagu qabqabtay,kuwaas oo looga shakiyey inay dilkaasi ka dambeeyaan.

By Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga