Digniin loo diray siyaasiyiinta kicinaya dadka Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Digniin loo diray siyaasiyiinta kicinaya dadka Baydhabo

Baydhabo – Mareeg.com: Ciidanka Amisom gaar ahaan kuwa Ethiopia ee ku sugan Baydhabo ayaa la sheegay in digniino cul culus ay u jeediyeen dhinacyada isku haya Baydhbo, ee sababay xasrad siyaasadeed oo aloosantay halkaas.

Digniinta ciidamada AMISOM ayaa timid kadib markii ay magaaladaas ka dahceen rabshado ka dhashay khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dad deegaanka kazoo wada jeeda.

Ciidmada AMISOM ayaa uga digtay dhinacyada Baydhao in markale ay magaalada ka dhacaan falal keeni kara amni daro gaar ahaan dagaal halkaasi ka dhaca.

Digniinta ayaa la sheegay iney si gaar ah ugu wajahantahay xubno lagu eedeyey inay qeyb weyn ay ka yihiin abaabulka iyo kicinta shacabka Baydhabo, islamarkaana abaabuleen dibadbaxyadii labadii maalin ee lasoo dhaafay Baydhabo ka dhacay.

Xubnahaasi waxaa la sheegay inay kamid yihiin Cabdi Fitaax Geesey oo kamid ah wasiirada maamulka lixda gobol, Shiine Macalin Nuurow iyo shaqsi kale oo lagu magacaabo Sandheere.

Ciidamada Ethiopianka ee Baydhabo jooga ayaa ku hanjabeen sida la sheegay in talaabo ay qaadi doonaan hadii falalkaasi ay sii socdaan sida wararka aan heleyno ay sheegayaan.

Magaalada Baydhaba ayaa waxaa ka taagan xiisad la xiriirta arimaha maamul u sameynta sadexda Gobol iyo lixda gobol.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!