Dibad-bax kasocda KM4 iyo xabado ka dhaaya goobta.

Muqdisho ( mareeg news ) Waxaa istaagtay isu socodka gaadiidka ee agagaarka isgoyska KM4 kadib markii ay halkaasi dibad-bax u xirteen darawallada Mooto Bajaajta.

Ciidamada ammaanka oo goobta ku sugan ayaa isku khilaafay qaabka loola dhaqmayo Bajaajleyda, qaar ciidamada ka tirsan ayaa xabado kor u ridaya, waxaana muuqata in darawallada diideen inay goobta banneeyaan inta cabashadooda wax laga qabanayo.

Qaar ka mid ah wadeyaasha Bajaajta oo la hadlay mareeg ayaa sheegay inay ka cabanayaan jidadka xiran, iyaga oo ku dooday in amarka madaxweyne Farmaajo kadib ay ciidamada subaxdii furaan galabtiina xiraan.

Cali Maxamed, oo darawallada Bajaajta ka mid ah waxaa uu leeyahay “Jidka ayaa ku dhib qabnaa, $18 oo canshuur ah ayaan bixinnaa, hadana waxa dhimanaayo waa Bajaajle, waa in cid maamulka ka tirsan nala hadashaa”.

sadii hore ayeey bajaaj leyda sidaan oo kale u banaan baxeen waxaana u tagay gudoomiyihii hore ee gobalka banaadir thaabit kasoo ku xaliyay in wadooyinka loo furaayo lama oga hada cida u imaan doonta lana hadli doonta si ay wadada u furaan.