Dib u Heshiisin waa higsashada mustaqbal danwadaag lagu yahay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dib u Heshiisin waa higsashada mustaqbal danwadaag lagu yahay

Hordhac

Mareeg.com-Shan Jabhadood oo hubeysan oo isku ujeedo sheeganaya-SSDF, SNM, USC, SPM, iyo SDM- ayaa ka soo horjeestay Dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Shantaas Jabhadood waxay diideen inay midoobaan. Dhinac kale, Dowladdii Soomaaliyeed waxay diiday inay la xaajooto Jabhadaadaas waqti munaasib ah. Kaddib, waxaa dalka gudihiisa ka dhashay koox la magac baxday “Manifesto” oo soo jeedisay xal ay Jabhadii iyo Dowladiiba ay ku gacan seyreen. Iska soo horjeedkaas wuxuu keenay burburkii Qarankii Soomaaliyeed oo loo dabaaldegay 1dii Luulyo 1960kii iyo dagaal sokeeye, wuxuuna calaamad iyo tusaale u noqday hab dhaqanka siyaasadeed iyo wadanninimo ee Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed, arrintaasu ilaa maanta saldhig u ah jaangoynta qorshaha siyaasadaha beesha Caalamka ee ku aadan Soomaaliya.

Dhulkii Soomaaliyeed wuxuu u qaybsamay deeganno qabiilooyin kala sheeganayaan ama ay ku dagaalamayaan, qabiil kastana wuxuu isbaheysi ka raadinaya dowlado shisheeye ah.  Sidaa darted, Soomaaliya maanta waa dal magac ahaan u jira, hase yeeshe aan laheyn dowlad dhexe oo si sharci ah iyo/ama rasmi ah toona (de jure and de facto) uga talisa. Maqnaashaha dhaqdhaqaaq waddani ah oo leh himilo qarannimo (patriotic movement with national aspirations) ayaa sabab u ah in Soomaaliya aysan laheyn dowlad dhexe.

Beesha caalamka lama yaabin in Soomaalidu u kala baxdo qabiilloyin, waxayna si deg deg ah tixgelin dhalanteed ah u fidisay Soomaliland, Puntland, Dowladda Federaalka oo ku sidkan Koofur Dhexe Soomaaliya (South Central Somalia), iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca.  Waxaa socda gulufka Maamul goboleedyada Jubba iyo Koofur Galbeed. Waxaa dhowaan dhexda ka bixi doona magaca Dowladda Federaalka ah oo horey loogu sidkay Gobollada Koofur dhexe Soomaaliya.

Badda, Cirka iyo dhulka Soomaaliya waxaa ilaaliya Ciidammo iyo Hay’ado ajnabi ah. Saddexdii Bilood kasta, Wakiilka Qarammada Midoobay (UN) wuxuu qoraa warbixin ku saabsan wax qabadka madaxda dowladda federaalka iyo kuwo gobollada, xaaladda siyaasadda iyo dowladnimada, dhaqaalaha, nabadgelyada, iyo baani’aadamnimo, kaddibna Golaha Ammaanka ayaa ka dooda warbixintaas, awaamirna ka soo saaro. Sidoo kale, hay’ado magac ku leh dalalka reer galbeedka sida Hay’adda Ilaalinta Xuquuqda Adaamiga  (Human Rights Watch), Hay’adda Cafinta Caalamiga ah ( Amnesty International), iyo Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group) iyo Xarunta Daraasadaha Istratejiyada iyo Xiriirka Caalamiga (Center for Strategic and International Studies), iwm waxay soo saaraan warbixinno ka bixinaya rajo xumo Soomaaliya. Warbixinnadaas waxay aad uga fog yihiin warbixinnada Madaxda Dowladda Federaalka u sheegaan shacabka Soomaaliya.

Ahmiyadda mas’uuliyadda Madaxda dowladda federaalka waxay tahay inay ka qayb galaan tababarro, shirar caalami ah, dabaalgedyo, isla markaana calan wade ka noqdaan barnaamijyada iska soo horjeeda ee Dowladaha/Ururrada/shaqaalaha beesha caalamka ay sannadka soo fakarayaan. Beesha caalamka waxay si cad u sheegtay in Madaxda Soomaaliyeed lagu aamini karindhaqaale ka baxsan sahay safar. Beesha caalamka ayaa si toos ah u bixisa mushaarka xubnaha barlaamaanka iyo ciidammada nabadgelyada madaama madaxda Soomaaliyeed ay ku caan baxeen musuqmaasuq, wax qabad la’aan iyo ku takrifal awoodda siyaasadda. Nasiib darro madaxdaas waxay saxiixi karaan qoraallada shisheeyaha soo diyaarsadaan kuwaaso saameyn ku leh masiirka Soomaaliya sida dastuurka Soomaaliya iyo heshiisyo dowladaha dariska ah wataan. Waa musiibo ku dhacday Soomaalida!!!

Buug soo baxay 2013 cinwaankiisuna yahay “Globalizing Somalia – multilateral, international, and transnational repercussions of conflict” wuxuu qoraya:  Madaama aysan jirin xukuumad leh madaxbannani buuxda (positive sovereignty)-taaso macnaheedu yahay xukuumad shaqeyneysa oo difaaceysa danaha shacabka Soomaaliyeed beesha caalamka dhexdeeda; Qarammada Midoodaby, Dowladaha reer galbeedka iyo Ethiopia waxay u sameeyeen Soomaaliya muuqaal ah inay tahay dal aan laga rajeyneyn inay nabad iyo dowladnimo ka dhalato, una baahan in lagu hayo faragelin joogto ah, loona isticmaalo meel lagu tijaabinayo siyaasadaha la xiriira dib u habeynta nidaamka caalamiga ah (international new order) iyo la dagaalanka argagixisada.

2011-2012 waxaa Soomaaliya hareereeyay barnaamijkka la baxay “Tubta ka bixidda KMG-nimada” (Roadmap to end the transition), waxaa dhowaan bilaabaya tubta “higsashada 2016 (vision 2016)” oo leh sannadka 2016 Soomaaliya (waa Soomaaliya-dee?) waxaa ka dhici doona doorasho siyaasadeed, inta ka horreysana waxaa mashquul lagu ahaan doona  dib u habeynta dastuurka, dhismaha dowlad qabiil goboleedyo gaaraya ilaa 5, “Afti” loo qaadayo dastuurka. Xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (UN Assistance Mission for Somalia-UNSOM) ayaa u xilsaaran fulinta barnaamijkaas.

Xaqiiqada waxay tahay in Dal aan laheyn dowlad dhexe oo hanata difaaca dalkeeda iyo shacabkeeda, kuna shaqeyneysa hab waafaqsan nidaamka caalamiga ah uu halis u yahay in dowladaha deriska la wareegaan lahanshihiisa sababo beesha caalamka aqbali karto. Nidaammada Dowladnimo (governance system) ee hadda ka jira Soomaaliya sida Dowladda Federaalka iyo Dowlad qabiil goboleedyada waxay lid ku yihiin jiritaanka dalka Soomaaliya.

Sharraxaadda macnaha dib u heshiisinta

Ugu horreyn dib u heshiisinta aan ka hadlayo waa mid dhexmareysa bulsho (community) dal ku wada nool oo colaad dhexmartay. Tan labaad, Dib u heshiisinta waa inay ku saleysnaata dhaqanka iyo duruufaha bulshada laga hadlayo.

Inta kaddib, Erey bixinta Dib u Heshiisinta waxay tahay: (1) dib u soo celinta xiriirkii walaaltinnimo oo ka dhexeyay dhinacyo colaad dhexmartay ama (2) ficil la isku waafajinayo aragtiyo iyo ictiqaadyo kala duwan. Sidaa darted, macnaha dib u heshiisinta waa geedisocod iyo hadaf la rabo inay bulshada Soomaaliyeed wada gasho si ay u wada sameysato mustaqbal ay wada leedahay (shared future), isla markaana aysan colaad dambe uga dhex dhicin.

Dib u heshiisinta waxay ka dambeysa joojinta colaadda (conflict settlement) iyo xallinta arrimaha dhaliyay colaadda (conflict resolution) sida ku dagaalanka awoodda siyaasadda dalka. Marxaladda Joojinta Colaadda, xiriir wada shaqeyn ama isbeddel dhaqan colaadeedka kama dhexeyo dhinacyada colaaddu dhexmartay.

Xallinta colaadda (conflict resolution) waxay ku saleysan tahay heshiis siyaasadeed ama Axdi KMG oo ay qalinka ku duugayaan madax haysata kalsoonida dhinacyada ay matalayaan. Heshiiskaasu waa inuu wax ka qabanayo arrimaha asaasiga u ah dagaalka labada dhinac, isla markaana jaangoynayo xeerka labada dhinac ku wada dhaqmayaan (rules of the game) kaaso dhirrigelinaya inay dhinacyada yeeshaan xiriir iyo wada shaqeyn aan dibedda laga ilaalineyn. Marxaladdaan waxa tusaale u ah dhismaha Maamul ama Dowlad KMG.

Culumada ku takhasusay arrimaha dagaallada iyo nabadda (war and peace) waxay tilmaamayaan in arrimaha sahlaya dib u heshiisinta ka mid yihiin (a) is qaddarinta iyo is ictiraafka dhinacyada, (b) dhismaha dareen wadajireed iyo wada heshiin, (c) isla eegidda taarikhda/sheegada dhinac walba rumeysan yahay (narratives), (d) qirashada dhinac walba mas’uuliyaddiisa, (e) dhismaha hab iyo hay’ado fuliya habka iskaashiga iyo wadashaqeynta kuwaasoo ilaalinaya danaha iyo baahiyada asaasiga ah ee dhinacyada.

Dhinacyada waa inay rabaan inay soo ceshadaan astaantii qarannimo (Somali State), lana yimaadaan isbeddello la xiriira: (1) in dhinac walba beddelo hadafkooda (goal); (2) in dhinac walba beddelo aragtida uu ka qabo dhinaca kale; (3) in dhinac kasta iska beddelo waxyaabaha uu iska rumeysan yahay naf ahaantiisa; (4) in dhinac kasta beddelo waxa uu ka rumeysan xiriirka kala dhexeya dhinaca kale; (5) in dhinac kasta beddelo aragtidii hore ee uu ka qabay nabadda.

Hababka kala duwan ee culumadu soo bandhigay in lagu hirgelin karo dib u heshiisinta waxaa ka mid ah (1) is cafinta iyo cudurdaar bixinta; (2) qaabka magdhowga iyo Garsoorka; (3) Qaabka Guddiga dib u heshiisinta iyo runta; iyo (4) qaabka wadajir u xallinta colaadda. Dastuurka KMG ee Soomaaliya waxaa ku jira qodobbo asaas u aha dib u heshiisinta sida qodobka 111I oo ku saabsan Guddiga Runta iyo Dib U Heshiisinta.

Arrimaha Hortaagan Dih U heshiisinta waxaa ka mid ah:

  1. Inuusan jirin dareen Soomaalinnimo taaso sabab u noqotay inaysan muuqan cudud macno leh ee muwaadinin Soomaaliyeed oo amminsan qaran Soomaaliyeed iyo dowlad madaxbannaan ee u adeegeysa danaha shacabka soomaaliyeed.
  2. Khilaaf ka taagan dhinacyada la heshiisiinayo, dhibaatada laga heshiinayo iyo qaabka loo marayo. Waxaa jira shan (5) aragti oo la xiriira su’aasha ah: “yaa gaboodfale ah, yaase dhibaane ah?”
  1. Beesha Dir (Isaaq) waxay gaboodfal ka tirsaneysaa reer koofureedka oo dhan: Darood, Hawiye, Digil & Mirifle, Baantu, iyo Reer Xamar; Beesha Dir-Isaaq waxay cafisay beelaha Darood (Dhulbahante iyo Wargsangeli) iyo beesha Dir (Gudubursi) si ay u taageraan goosashada Soomaliland.
  2. Beesha Darood waxay gaboodfal ka tirsaneysaa Hawiye, Dir-Isaaq, iyo Digil iyo Mirifle.
  3. Hawiye wuxuu gaboodfal ka tirsanaya Darood iyo Dir.
  4. Reer Xamar iyo Baantu waxay gaboodfal ka tirsanayaan Hawiye, Digil iyo Mirifle, Dir, iyo Darood;
  5. Digil iyo Mirifle wuxuu gaboodfal ka tirsanayaa Hawiye (Habargidir) iyo Darood (Ugaadeen, Marehaan, Majerteen).Qabiillada qaarkood dhexdooda ayey gaboodfal kala tirsanaya.
  1. Muran ka taagan heshiisyadii laga gaaray xallintii khilaafyadii asaasiga ahaa oo dhaliyay Axdii KMG, Dastuurka KMG iyo dhismaha dowladihii KMG iyo tan Rasmiga ah ee la dhisay 2012.
  2. Khilaaf la xiriira Matalaadda shacabka soomaaliyeed. Tusaale ahaan, waxaa isbarbar socda Dowlad Federaal ah oo leh barlamaan matalaya qabiilooyinka Soomaaliyeed oo dhan iyo Maamullo iyo kooxo maleeshiyaad ah oo iskood u taagan oo matalaya qabiilooyin iyo deeganno gaar ah.
  3. Sheegashada Soomaaliland inay ka go’day Soomaaliya.
  4. Soo ifbixidda nidaamka federalka ku saleysan “noo kala saara qabiilooyin dhul kala leh.” Habka Dowladnimo wuxuu ka dhashay baabi’iinta qabiilloyin kala sheeganaya dhulal.
  5. Maqnaanshaha Dowlad Soomaaliyeed oo haysata kalsooni buuxda, leh hoggaan hufan oo horseed u noqda dib u heshiisiinta;
  6. Beesha Caalamka (Dowladu, Ururro, Shakhsiyaad ajnabi ah) oo la wareegtay aayo ka talinta Soomaaliya, ayadoo la adeegsanyo danley Soomaaliyeed. Habkaas wuxuu ka soo horjeeda mabaad’ida dib u heshiisiinta oo ah in bulshado ay yeelato lahaanshaha (ownership) dib u heshiisinta.
  7. Dhaqanka ah “Aniga ayaa sax ah, adiga khalad ah, anigu qabiili ma ahi, adigaa qabiili ah.”
  8. Soo ifbixidda kooxo isku baheysanaya diin ama mabaadi’ ka soo horjeeda marxaladda dib u heshiisinta iyo dib u dhiska Qarankii Soomaaliyeed.

Gabagabo

 

Soomaaliya waa dal ilaahey ku manneystay kheyraad gaar ah sida diinta islaamka, hal luqad, hal dhaqan, geesinnimo iyo adkeysi, qurux, dhul baaxad leh oo kheyraad ka buuxo, iyo cimilo aad u fiican, hase yeeshe ka maqan tahay dareen Soomaalinnimo, muslinnimo, iyo madax daacad ah oo ka naxeysa shacabkeeda. Sababta ugu weyn ee loo aaneynayo nasiib darradaas waxay tahay ku dhaqan la’aanta tusaalaha diinta Islaamka, ku takrifalka awoodda siyaasadda dalka, iyo maqnaashaha damiir adag oo wanaagsan (absence of strong moral value).  Diinta Islaamka ee Ummadda Soomaaliyeed ay haysato waxay tilmaameysa qaabka loo baahan in bulsho muslim ah u dhaqanto, u heshiiso, habkaasu asaaskiisu yahay caddaalad iyo sabar. Bulshada Soomaaliyeed waa inay guddoonsato isbeddel xagga fikirka iyo dhaqanka ah (social and psychological transformation).

Taas waxay waafaqsan tahay awaamirta Ilaahey ee ku cad Quraanka: Aaayadaha kala 177 ee Suurada Al Baqra, 11 ee Suurada Al Racd, 22 ee Suurada Al Ruum, 12 and 13 ee Suurada Hujarat, iyo 9 ee Suurada Al Mujadala.

Sida ku cad Dastuurka Federaalka Soomaaliya, dib u Heshiisinta ma ahan shirar, khudbado, qorallo iyo baaq soo saarid. Waa shaqo qorshe leh, habraaac leh oo lagu  fulinayo hoggaan, siyaasad(policy), sharci (legislation), dhaqaale (resources),  iyo hab cilmi iyo maamul ku saleysan (administrative and knowledge) si loo gaaro hadafka ah in labadii wax kala tirsaneysay ay isku barbar noolaadaan mar kale ayagoo aan kala qabin tuhun iyo dareen, islana qorsheynaya mustaqbalkooda. Dib u Heshiisin ma dhexmari karto bulsho rabta inay kala tagto ama aysan ku dhaqmin runta.

Waxaa lagama maarmaan ah in bulshada Soomaaliyeed garwaaqsato inay mas’uul ka tahay aayaheeda, kaddibna ka tashado habka ay u mareyso guul ka gaaridda dhismo Qaran horsed u noqda dib u heshiisiin ujeedadeedu tahay higsashada mustaqbal danwadaag lagu yahay.

 

Dr. Maxamud M Culusow

mohamuduluso@hmail.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!