Dib u dhis lagu billaabay xarunta Golaha shacabka+SAWIRO

Read Time:42 Second

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa alagu billaabay dib u dhis kaddib markii firtaanka dib u dhiska xarunta uu furay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sh.C/raaxmaan.

Guddoomiye Mursal ayaa Injineerrada dhisaya xarunta ka dalbaday in ay dedejiyaan dhismaha xarunta Golaha shacabka islamarkaana ay ku dhameeyaan waqtiga ku qoran in la dhameystiro.

Maxamed Mursal waxaa uu madasha ka sheegay in Xubnaha Golaha shacabka ay si kumeel  gaar ah ugu sii shaqeyn doonaan xarunta Guddiyada joogtada ah ee Villa Hargeysa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka,waxaana ay ka wada hadleen sidee ay Guddiyada ula shaqeyn lahaayeen Guddoomiyaha cusub.

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa xubnaha maanta uu la kulmay,waxaana ay ka wada hadleen wada shaqeynta Guddoonka cusub iyo Guddiyada joogtada ah.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %