Dhuxulow iyo Muungaab oo booqashu ugu tegay dumar shalay la qarxiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhuxulow iyo Muungaab oo booqashu ugu tegay dumar shalay la qarxiyey

Mareeg.com: Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), xubno ka tirsan mas’uuliyiinta maamulkiisa, saraakiil ciidan iyo ururrada haweenka ayaa maanta booqday isbitaal Madiina oo lagu daweynayo 7 haween ah oo ku dhaawacmay qarax shalay lagula eegtay dagmada Hodan, xilli ay ku guda jireen howlo nadaafadeed.

Xubnaha booqday isbitaalka ee ka socday gobolka Banaadir ayaa haweenka guddoonsiiyay lacag deeq ah.

Agaasimaha Isbitaal Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay haweenka oo mid mid ah qalliin loogu sameeyay ay xaaladdooda soo hagaageyso.

Muungaab ayaa labada gole ee dowladda u soo jeediyay in ay booqdaan dadka ay waxyeellada u geysteen kooxaha nabad-diidka ah, wuxuuna lacagta deeqda ah ee ay guddoonsiiyeen haweenka ku tilmaamay mid niyad-dhis ah.

Qaraxa haweenka lagu dhaawacay wuxuu shalay ka dhacay Carwadii hore ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Qaraxaas waxaa ku dhintay 3 dumar ah.

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta cisbitaalka Madiina ku booqday hooyooyinkii ku dhaawacmay qaraxi miino ee shalay ka dhacay degmada Hodan , waxaana booqashadiisa ku wehliyay xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin ka kala socotey degmooyinka Hodan iyo Warta-Nabadda,

Wasiirka iyo xubnihii la socdey ayaa soo Indha-indhaayey xaaladda dhaawacyada Hooyinkaasi Soomaaliyeed, waxaana wasiirku warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada haweenka ka dhageystay mas’uuliyiinta cisbitaalka Madiina.

Madaxa caafmaadka ee Cisbitaalka Madiina, Duniyo Muxuyidiin, ayaa faah-faahin ka bixisay xaaladda dhaawacyada, waxa ayna uga mahadceliyey wasiirka iyo mas’uuliyiinta kale, booqashada ay ugu yimaadeen dhaawacyada hooyooyinka Soomaaliyeed oo ay Al-Shabaab Qarax u dhigeen.

Guddoomiyha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, ayaa si weyn uga mahadcelisay wasiirka Warfaafinta oo wakiil ka ahaa Xukuumadda Soomaaliyeed booqashadiisa, waxa ayna intaasi raacisay in aysan haweenku joojin doonin halganka nafhurnimo.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa Alshabaab ku eedeeyey qaraxii dhimashada iyo dhaawaca sababa ee shalay haweenka nadaafadda lagula beegsaday degmada Hodon.

3-adii bisha Augusto ee sannadkii 2008-da oo ku beegsaneyd shalay oo kale, ayey aheyd markii qarax nuucaan ah uu dumar ku laayey wadada Maka Almukarramada ee magaalada Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!