Dhuusamareeb oo xalay lagu daadiyey waraaqo lagu sawiray calanka Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhuusamareeb oo xalay lagu daadiyey waraaqo lagu sawiray calanka Alshabaab

Mareeg.com: Dadka ku nool degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa saaka magaaladooda ku arkay waraaqo xalay la daadiyey, kuwaasoo lagu sawiray calanka Alshabaab.

Waraaqahan ayaa lagu daadiyey ilaa 7 waddo oo dhexmara magaalada iyo wajiyada goobaha baararaka ah ee dadku isugu yimaadaan.

Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb C/raxmaan Geeda Qorow oo ka hadlay waraaqahan ayaa sheegay in ka dambeeyaan dad qalqalgelinaya amaanka.

Geeda Qorow ayaa sheegay in Alshabaab aysan imaanin Dhuusamarteeb, balse ay warqahaas daadiyeen dad taagresan qolooyinkii dhawaan laga saaray magaalada ee ka tirsanaa Ahlsuna Waljamaaca.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa todobaadkaan ku dagaallamaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab, waxaana magaalada laga saaray Ahlusunna.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!