Dhuusamareeb iyo Cadaado oo kala jiidanaya shirka maamulka Mudug & Galgaduud

Read Time:54 Second

Mareeg.com: Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ayaa kala jiidanaya qabashada shirka maamulka loogu dhisayo Mudug iyo Galgaduud.

Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo Saxiixayaasha Shirkaasi ayaa shalay sheegay in shirka lagu qabanayo degmada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Waxaa arrintaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya magacaawaday, wuxuuna sheegay in shirka lagu qaban doono Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Weheliye”Cirfo” oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shirka Gobolada dhexe lagu qabanayo Magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Cirfo ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Dhuusomareeb ay u diyaar garoobeen Marti galinta Shirka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Afhayeenka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, Cumar Cali Rooble ayaa shalay warbaahinta qaar u sheegay in shirkaas loo qrorsheeyey in lagu qabto Cadaado, hase ahaatee wixii dadku ku heshiiyaan lagu dhameyn doono.

Maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa horay usoo bandhigay xarrun loo diyrriyey in lagu qabto shirkaas, hase ahaatee waxaan weli la xallin muranka ku aadan magaalada shirka martigelineysa.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %