
Saraakiil hore uga tirsanaa hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa hadda xilla sare ka haayo ciidamada amaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa muujiyay walaac xoog leh oo ay ka qabaan amaanka madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.
Saraakiishaan oo codsaday in aanan la adeegsan magacyadooda ayaa warbaahinta u sheegay in ay jirto dayacaad amni oo weyn oo halis ku ah ammaanka madaxweyiyaashii hore ee dalka islamarkaana aysan ku baraarugsaneen madaxda dhibaatada ay wajahayaan.
“Saacad walba ayay Shabaab beegsan karaan. Ka sokow Shabaab, dalka waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo xoog leh dilalka iyo weerarada dhacana kaliya ma fuliyaan Al-shabaab ee waxaa jira falal argigixiso oo ku lug leh siyaasadaha is diidan oo ay geestaan dad la yaqaano balse loo saariyo Al-Shabaab waxaana ii muuqda in hogaamiyaashaasi ay dayacan yihiin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo aan qarinay magaciisa iyo xilka uu ka haayo Booliska.
“Baaritaan dheer lama marsiiyo dadka ka qaybgala xafladahooda, sidoo kale ma ahan dad la yaqaano, waxay u badan yihiin arday laga soo aruuriyay jaamacadaha kuwa ay keeneen arday kale oo ah dhalinyaro xaafadeed, qaarkood waa iska yimadaan baaritaanka la marana aad ayuu u jilacsan yahay waxaa dhici karta in qaraxyo lala soo galo, sidoo kale waxaa dhici karta in ay toogasho dhacdo mana heestaan ciidan ilaaliyo oo ka baara halka ay u socdaan meesha ay fariisanayaan iyo dadka u soo dhaawanaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan Booliiska Soomaaliya.
Sidoo kale Saraakiil hore oo ka tirsan hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay qalad tahay in madaxdii hore ay ku safraan hal diyaarad, sidoo kalane ay aadan magaalo ay ka jirto qatar amni oo ka kooban laba nuuc oo kala ah.
Qatarta amni ee dalka ka jirta oo ka imaan karta argigixisada dalka ama dhinacyo kale, iyo qatarta labaad biyaha magaalada ku soo fatahay oo ay ka dhalin karto xaalado amni oo halis ah, oo labadooda ay mar qura ku bixi karaan.
Masuuliyiintaan ayaa madaxdii hore ee qaranka ka dalbaday in ay joojiyaan safarada halka diyaarad ah sidoo kalane ay kordhiyaan taxadarkooda balse aysan ku koobin oo kaliya iska ilaalinta qartarta Al-Shabaab laakiin ay ogaadaan saameentooda iyo dalka ay rabaan in ay ku dhax shaqeeyaan.