Dhoobo-Daareed oo sheegay in Puntland Gacanta u gashay kaligii Taliye
Cabdi Xakiin Maxamad Axmad Dhooba Daareed Gudoomiyihi Barlamanka Puntland oo Wareysi gaar ah siiyay Tvga Universal ayaa sheegay in Puntland ay Gacanta ugashay kaligii Taliye isagoona sheegay In Xildhibaanada Barlamaanka Puntland ay Maslaxadi ummadda ka doorteen Lacag.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay ku socoto Dariiqi Bur burka hadii wax laga qaban waayo arintaasina ay Dadka uu matalo ka Tashan doonaan Aayahooda.
Mar uu ka hadlayay Arimaha Doorashooyinka ku saleysan Dimoqaraadiyada ee Puntland waxa uu sheegay in Sadex Beelood kaliya ay isku koobeen Hoggaaminta Puntland.
Comments are closed.