Dhismihii safaarada Soomaaliya ee magaalada Rome oo dib loogu soo celiyay gacanta dowlada Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhismihii safaarada Soomaaliya ee magaalada Rome oo dib loogu soo celiyay gacanta dowlada Soomaaliya

Maxkamad ku taal dalka Talyaaniga ayaa xukuntay in  dhismaha safaaradda Soomaaliya oo ku taala magaalada Rome si rasmi ah loogu wareejiyay mas’uuliyiinta safaaradda kadib markii muddo 10 sano ka badan ay gacanta ku haysay shirkad laga leeyahay dalka Talyaaniga;

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga Jeneral Muuse Xasan ayaa sheegay in muddo kaddib Soomaaliya ay soo ceshatay gurigii safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga oo shirkad ajnabi ah ay ku ganacsaneysay, waxaana uu tilmaamay in  maanta ay u dabaaldageen in ay hantiyeen gurigii Safaaradda.

Safiirka ayaa ka hadlay sida ay ku timid in dib gacanta Soomaaliya ay ku soo celiyaan daartii Safaaradda Dalka Talyaaniga dacwada badan uu furay qareeno uu qabsaday taasi oo sababtay in gacanta Soomaaliya lagu soo celiyo, waxaana guul uu ku tilmaamay in ay ku guuleysteen dacwada arinkani ay ka galeen oo uu  u arko sharaf in uu u soo hooyay dadka iyo dalka.

Safiirka Dalka Talyaaniga Jeneral Muuse Xasan oo sii hadlay ayaa sheegay in Daarta Safaaradda uu ka muuqdo bur bur xoog leh loona baahanyahay in dayactir lagu sameeyo, waxaana uu sheegay astaamaha muujinaya qaranimada Soomaaliya in durbaba ay ku xardheen xarunta Safaaradda.

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa safaaradihii ay dowlada Soomaaliya ku lahayd waxaa degey dad iyadoo dhismooyinka qaarkoodna ay dayacmeen kadib markii xukunka laga tuuray dowladii hore ee Siyaad Barre. Balse safaarado ay ka mid tahay dhismaha safaarada dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay gacanta dowlada Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More