Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay wadada Maka Almukarama * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax gaari oo ka dhacay wadada Maka Almukarama

Mareeg.com: Qarax gaari ayaa maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadada Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dadka iyo gaadiidku aad ugu badan yihiin.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, lix kalena waa ay ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay wajiga hore ee Hotel Golden oo ku yaalla kazoo horjeedka guriga Shaqaalaha oo ay hadda degantahay Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Goobjooge ayaa Mareeg Media u sheegay in gaariga oo ka leexday wadada, islamarkaana sii korya Marsha-biyeedka uu qarxay. Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa u badnaa dad rayid ah, waxaana la dhigay isbitaalka Daaru-Shifaa.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray, waxaan durba meesha laga qaaday gaariga qarxay kadib markii la damiyey.

Howlaha wadada Maka Almukarrama ayaa caadi kusoo coqday kadib muddo gaaban oo ay uu hakad ku yimid isi socodka gaadiidka ee jidkaas muhiimka ah.

Alshabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dhowr qarax oo loo adeegsaday gaari ku qaaday baarar ku yaalla Muqdisho, waxaana ku dhintay dad fara badan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!