Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gaari Amisom oo ku dhacay Webiga Shabeelle * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay gaari Amisom oo ku dhacay Webiga Shabeelle

Janaale – Mareeg.com: Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa ku dhacay webiga Shabeelle xilli uu xolwi ku marayey buundo ku taalla deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhacdadaan waxaa warbaahinta u xaqoojiyey guddoomiyaha deegaanka Jannaale, Maxamed Idiris Cabdi, wuxuuna sheegay in falkaasi dhacay xalay.

Maxamed Idiris Cabdi ayaa xaqiijiyay in gaadiidka AMISOM oo xowli ku socday uu mid ka mid ah ka dhacay buundado, kadibna ay dhinteen 3 askari, halka 4 kalena ay dhaawacmeen.

“Xalay fiidkii ayaa gaari ay wateen ciidamada AMISOM oo xowli ku socday ku dhacay webiga, waxaana halkaas ku dhintay saddex askari, afar kalena way ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyadooda loo qaaday Muqdisho,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Jannaale Maxamed Idiris.

Ciidamada AMISOM weli kama hadlin shilkaan ay ku dhinteen ciidamadooda ku sugan gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo shilkaani yahay kii ugu horreeyey ee nuuciisa ah ee haleela ciidmada AMISOM.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!