Dhimasho & dhaawac ka dhashay shil qabsaday gaari ka baxay Aadan Yabaal kuna jeeday Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhimasho & dhaawac ka dhashay shil qabsaday gaari ka baxay Aadan Yabaal kuna jeeday Muqdisho

Mareeg.com: Labo qof ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shilka gaariga xammuulka qaada oo siday dad rakaab ah ayaa yimid kaddib markii uu ku dhacay god,  sida uu sheegay Muxyadiin Cadarre oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa, balse ka badbaaday shilka.

Gaariga ayaa ka ambabaxay magaalada Aadan Yabaal, wuxuuna ku jeeday magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay waxaa ku jira ilmo shan sano jiray. Dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Jowhar.

Shilalka gaadiidka ayaa kusoo badanaya Soomaaliya iyadoo ay inta badan dalka ja rito waddo xumo, halka meelaha wadadu wanaagsan tahay ay shilalka sababaan xawaaraha gadiidka lagu kaxeeyo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.