Mareeg Media
Somalia

Dhibaatada Mustaqbal ee ka dhalan karta dhulbixinta iyo iibsashada ku socoto (Dhulka Xamardaye)!

17

Muqdisho (mareeg news ) waxaa dhul bixin xoogan ku socotaa dhulka loo yaqaano xamar daye ee dhaca waqooyga iyo bariga magaalada muqdisho dhulbixintaan waxeey dhibaate xoogan ku keeni doontaa dadka degaankaas leh ee hada iibsanaya dhulalkooda.

Ganacsato iyo shakhsiyaal kasoo jeeda gobolada kale ee dalka ayaa aad u iibsanaya goofafkaas xamar daye loo yaqaano waxaana la sheegayaa ineey shaqsiyaadkaas u jeeda fog ay ka leeyihiin.

Dhulka xamar daye oo odayaashi hore ee laga dhaxlay marna ayna ku dhici jirin ineey Hibeeyaan ama ay ii biyaan ayaa hada waxaa lacag ku doorsaday caruurta ay dhaleen oo dhaxlay dhulkaas.

 

Dadka goofakaas leh oo hada iibsanaya dhulkooda dhaxalka ah ayaa waxaa dhici kara in ay beri wayaan meel ay dagaan maadaama dhulalkaas la deegameeyn doono.

Sida qorshaha ganacsatada dhulkaas iibsaneeysa yahay ayaa lagu saadaalinayaa ineey ka dhalan doonto dhul la’aan ku dhacda dadka hada daga ama leh milkiyada goofafkaas.

Marka arintaan lagasoo tago tusaalooyinka ugu weeyn ee loo soo qaadan karo  iibsashada dhulkaan ineey  u keeni karoto dhibaato deegaan la’aan oo dadka dhaxlay dhulka ku imaata ayaa ah , deegan la’aanta ku dhacday dadkii loogu tagay dhulka mareekanka ee loo yaaqaanay hindidii cased.

 

Goofafka xamar daye oo istaraatiijiyad weeyn ku fadhiya dhul ahaan ah  mid taariikhda caasimada iyo mustaqbalkeeda ku leh sameeyn xoogan ayaa iibintiisa waxeey caqabad ku keeni dontaa dadka hada leh milkidiisa waxaana la qayaasayaa ineey ka dhigi doonto kuwa waaya deegaan eey dagaan madaama badankood  ayna dhul ku laheeyn caasimada dhaxdeeda iyo  gobolada kale ee dalka .

Xiriir aan la sameeynay milkiilayaasha goofaka ayaa mareeg.com u sheegay in dhulkooda gabi ahaan ayna iibsaneey lakin ay ka iibsanayaan qeeyb kamid ah su.aalo dhowr ah oo mustaqbalka degaanka la xiriira oo aan weydiinay aye badankood ku doodeen in iibinta dhulkooda salka ku heeyso dhaqaalo xumo heeysato.

Kadib markaan tixgelinay doodooda dhaqaale xumo,  xog aruurinta aan wadnay waxaan ku oganay in qeeybaha dhulka ee laga iibsanaayo milkiilayaasha manta ee yihiin dhulkooda qeybaha istaraatiijiga ah ee Xiga dhanka  wadooyinka , sidoo kale cabirida iyo wadabixinta laqorsheeyay ayaa inteeda ban aheeyn sida kamuuqata mid xigi doonto istaraatiijiyada dhulka marka lafiiriyo baaqiga dhuleed ee u haraya milkiilayaasha manta.

 

HAlALKAAN RIIX SI AAD U BOOQATO BOGA HORE EE MAREG.COM OO AAD KA HELI DONTO WARAR IYO XOGO XIISA LEH.

                Riix gambaleelka ka muuqda qeeybta midig ee websetka  si  laguugu soo diro wararka mareeg.com isla marka ay soo dhacaan

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!