Dhaqan hogaamiye kooxeed oo ka bilowday Cadaado (Maxaa soo kordhay?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhaqan hogaamiye kooxeed oo ka bilowday Cadaado (Maxaa soo kordhay?)

Mareeg.com: Waxaa degmada Cadaado ka bilowday howlo carqalad cusub gelin karo shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Labo ka mid ah saxiixayaashii maamul u sameynta Gobolada Dhexe oo kala Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Guddoomiyaha garab ka mid ah Saddexda Gole ee Ahlusuna, Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa maanta Cadaado uga dhawaaqay waxa ay ku sheegeen guddiga farsamada maamul sameynta, iyagoo dhawaana ku dhawaaqay iney kala direen guddigii farsamo ee dowladda Soomaaliya magacaawaday.

Madaxweynaha Maamulka laga sii gudabayo ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Guddoomiyaha Saddexda Gole ee Ahlusuna Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen iyaga iyo qaar ka mid ah odayaal dhaqameedyada ku sugan Cadaado waxey sheegeen inay magacaabeen Guddi farsamo oo cusub.

Waxaa ay sheegeen in Guddigan farsamo ay howshooda noqoneyso socod siinta howlaha dhiman ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe.

Guddiga ay magacaabeen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay 35 xubnood, waxeyna sheegeen inuu soo xuli doonaan ergooyinka cusub ee shirka.

Guddigii Farsamada ee ay hogaamineysay Xaliimo Yarey ayaa iyagana wali howshooda wata, iyagoo xareeyey ergadii ugu horreysay ee ay beeluhu soo magacaabeen.

Waxaa laga cabsi qabaa in xaaladdu adkaato oo dadka isugu tegay Cadaado u kala baxaan labo ergo oo mid kasta sheeganeyso iney tahay ergada saxd ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.