Muqdisho, Mareeg.com: Dhaaqaatiir u dhalatay dalaka Syria oo ka badbaaday weerarkii dhawaan lagu dilay 3 kale oo ay isku dhalasho ahaayeen ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, waxaana sagootiyey qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed.
Agaasimaha Isbitaalka Fiqi Hospital C/raxmaan Macalin Fiqi oo la hadlay Saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in saaka ay sagootiyeen laba dhaqtar oo u shashay dalka Syria, kuwaa oo ka bad baaday weerarkii Khamiistii la soo dhaafay lagu qaaday dhaqaatiirtaasi oo laga dilay 6 ruux oo 3ka mid ah ahaayeen dhaqaatiir reer Syria ah, halka mid ka mid ah uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi bahalnimada ahaa oo aan cidna loo qaban.
Dr. Maahir Xuseen oo ka mid ah dhaqaatiirta u dhalatay dalka Syria islamarkaana ka howlgalayay Isbitaalka Fiqi oo isna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in markii hore dalkani Soomaaliya ay u soo gurmadeen haddana lagu dhibaateeyay, arrintaasina aysan cabsi galineyn, oo ay ku soo noqon doonaan oo ay sii wadi doonaan adeegyada caafimaad ay dadka Soomaaliyeed u hayeen.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii dhaqaatiir Soomaali iyo Syrian ah lagu weeraray agagaraaka Siinka Dheer ee wadada Afgooye, halkaaso lagu dilay 4 dhaqtar oo mid Soomaali ahaa, 3 Syrian ahaayeen iyo labo ka mid ah ilaaladii la socotay.
Mareeg.com