Dhaqaatiir reer Hindiya oo ku guuleystay iney nin ku talaalaan labo gacmood oo qof kale leeyahay!

Read Time:1 Minute, 22 Second

Mareeg.com: Markii ugu horreysay, waxaa dhaqaatiir u dhalatay dalka Hindiya ku guuleysteen iney labo gacmood ku talalaan wiil dhalinyaro oo horay horay labada gacmood uga go’ay shil tareen.

Nin lagu magacaabo Manol oo 30 jir ayaa waxaa labadaas gacmood ugu tabarucay qof kale oo ku dhintay shil gaari, waxaana howsha fuliyey 20 dhaqtar oo ka howlgala Machadaka Cilmiga Caafimaadka Mareykana ee magaalada Chohi ee koonfurta gobolka Carla ee dalka Hindiya.

Qaliinka labada gacmood loogu xiray Manol ayaa qaadatay in ka badan 16 saacadood, waxaana ninkaas labo todobaad kadib awood u helay inuu gacmihiisa wax ku qabsado.

“Aad ayaan faraxsanahay, welwel ayaan dareemay markii aan waayey gacmaheyga, hadda markii gacmaha la igu dhajiyey waxaan awood u helay inaan wax badan qabsado” ayuu yiri Manol oo la hadlay warbaahinta la iska arko, uuna baahiyey TV-ga Aljazeera.

Madaxa Qeybta Qaliinka Qurxinta Machadkaas ayaa tilmaamay in shaqada loo qabtay ninkaas ay tahay guul weyn oo ay gaareen dhaqaatiirta dalka Hindiya.

“Jirka Manol wuxuu aqblay labo gacmood oo qof kale leeyahay, inkastoo midabku kala duwan yahay, dareenka tooska ahna wuxuu usoo laaban doonaa 3 ilaa 4 bilood gudahood” ayuu yiri dhaqtrakaas.

Maaha wax cusub in dad gacmuhu ka go’een lagu taallaalo gacmo dad kale leeyihiin, oo in ka 100 qof ayaa sidaas loogu sameeyey Mareykanka, Yurub, dalal ka mid ah Carabta iyo Aasiya hase ahaatee tan ka dhacday Hindiya ayaa noqotay in 2 gacmood mar qura lagu talaalay Manol.

Si aad u daawato muqaalka fur Link-ga hoose. Haddii uu furmi waayo koobiyeey ee ku fur bog kale.

https://www.facebook.com/video.php?v=10153128773109893&set=vb.160729029892&type=2&theater.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %