Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Oo Maanta Ka Jira Duleedka Magaalada Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Oo Maanta Ka Jira Duleedka Magaalada Baledweyne

Wararka hada naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku waramayan in maanta halkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaq Ciidan.

Ciidanka dwolada Soomaaliya iyo kuwa dowlada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq ciidan ay ka wadaan duleedka Baledweyne oo ay fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidan ee maanta kajira Magaalada Baledweyne ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada ay rabaan in ay bilaawaan Howlgal ka dhan ah Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab dhan kooda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo la mid ah kuwa ay wadaan Ciidamada isgarab sanaya ee Jabuuti iyo kuwa dowlada.

Dadka ku dhaqan duleedka Magaalada Baledweyne ayaa cabsi xoogan ka qaba in dagaal xoogan uu ka qarxo halkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!