Dhalinyaro Soomaali ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay London (Daawo 

Read Time:57 Second

Ayuub abdullahi oo ah wiil 16 sano jir ah oo ka soo jeeda Soomaaliya ayay kooxo ku hubaysan midiyo ku dileen Magaalada London.

Wiilkaan ayay horay dhawr mar dhaawaceen kooxaha Gangs ka ah, iyadoo la sheegay in kooxaha hubaysani ay fariimo u soo direen ka hor inta aanay dilin iyagoo ku wargalinaya in isaga ama hooyadiis ay mid dilayaan hadii aanu u imaanin.

“Wiilka ayaa ka codsaday hooyadiis inay Ticket u jarto si uu kooxahaas uga baxsado, hooyadu way aqbashay balse kooxihii hubaysnaa ayaa u sheegay inay joogaan guriga hortiisa, waxaana uu go’aansaday inuu raaco saacado kadib ayaana loo sheegay hooyadiis Siraad in wiilkeeda tooreey lagu dilay” ayuu yiri mid ka mid ah ehelada wiilkan shalay la dilay.

Sidoo kale Booliska London ayaa xaqiijiyey inuu dhaawac Toorey u geeriyooday wiil kale kadib markii maalintii Axadii kooxo Gangs ahi ay sidaan oo kale ku weeraraeen degmada Fulham ee Koonfurta galbeed ee Magaalada london, Lamana oga sababta rasmiga ah ee dilka ka danbeysa.

Dhalinyarada Soomaalida ee ku lug yeesha arrimaha daroogada iyo gangsternimada ayaa mudooyinkan dilal loogu geysanayey qaar ka mid ah dalalka ay Soomaalidu u haajirtay ee Yurub ee Maraykanka.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.