
Mareeg.com: Waalid Soomaaliyeed lagu magacaabo Maxamed ayaa sheegay in wiilkiisa oo 19-jir ahaa uu ku biiray dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ee IS.
Ninkaan ayaa sheegay in wwilkiisu ka tegay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, hase ahaatee uu ku noolaa dalka Canada.
Aabahaan ayaa xusay in wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamuud uu ku noolaa magaalada Hamilton ee dalka Canada, halkaasoo uu tagay isagoo afar sano jir ah.
“Muddo hadda laga joogo 2 biilod ayaa wiilkeygu ka tagay Minneapolis, wuxuu xilliyada fasaxa nooga imaan jiray Canada, aniga iyo isaga islama deganeyn, laakiin wiil fiican oo dabeecad leh ayuu ahaa” ayuu yiri waalidkaas.
“Wuxuu bil ka hor naga soo wacay meel ka mid ah Suuriya, wuxuu noo sheegay inuu la joogo dad walaalihiisa” ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka Soomaaliyeed oo wareysi siiyay VOA.
Odayga dhalay wiilkaan ayaa tilmaamay in wiilkiisu uusan garaneyn afka Soomaalig, maadaama isagoo afar sano jir ah laga keenay Soomaaliya, waxaa uu xusay inuu ahaa wiil inta badan Computer-ka aad u isticmaala, taasoo uu tilmaamay inay aheyd meesha sida nuu yiri laga duufsaday.
Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ka tagay Mareykanka, Canada iyo dalal badan oo Yurub ah ayaa ku biiray dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.
Qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee ku biiray Daacish ayaa waxaa qaarkood ka soo jeedaan qoysas caan ahaa oo siyaasada Soomaaliya ku jira.
Mareeg Media