Dhakhaatiir ajnabi ah oo laga afduubtay Dalka Kenya
Booliska Kenya ayaa shaaciyay in labo dhaqtar oo ajaaniib ah maanta laga afduubtay Magaalada Mandeera ee Dalka Kenya.
Mandeera, waa Magaalo ku dhow Xaduudka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana halkaasi weerar maanta ka dhacay lagu afduubtay labo dhaqtar oo ka soo jeeda Dalka Kuuba.
Falkan ayaa looga shakisan yahay in ay fuliyeen Xubno ka mid ah Al Shabaab.
Ragga Afduubka geystay ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay dilaan Ilaaladii la socotay dhaqaatiirta.
Labadan dhakhtar ayaa qayb ka ahaa, mashruuc ay dawladda Kenya dhakaatiir ajnabi ah uga keensatay dalka Cuba.
Warar ayaa sheegaya in dhakhaatiirta loo tallaabiyay dhanka Soomaaliya.
Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda afduubka.
Comments are closed.