
Read Time:31 Second
Gudoomiyahii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabgeed) ayaa sheegay inay faraha ka baxeen ammaanka deegaannada Hir-Shabeelle,isla markaana madaxda Maamulkaas ay dayaceen.
Waxaa uu sheegay inay xirmeen wadooynka soo gala jowhar,sidoo kalena Al-Shabaab ay wax ka yar 5km u jiraan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay Baladweyne,kadib markii uu kasoo laabtay Safar uu ugu maqnaa Turkiga ayuu sheegay in Afartii sano ee la soo dhaafay Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle ay ku fashilmeen waxka qabashada dhinaca Amniga.