Mareeg Media
Somalia

Dhageyso:-Xukuumadda Somalia oo ku adkeysaneysa inay dhaceyso doorasho Qof & Cod ah

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khadar) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in dadka Soomaaliyeed ay qaataan taladooda,isla markaana cidii ay iyaga rabaan doortaan.

Isaga oo hadal ka jeedinayey shirka soo bandhigidda qorshaha 9 aad ee hormarinta qaranka 2020-2024 ka ayuu sheegay in Madaxda hadda jirta uu isaga kamid yahay hadii ay taratamayaan oo dib loo doorto ay meel wanaagsan geyn doonaan.

Waxaa uu ku celiyey in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah markii waqtiga xilheyntooda uu dhamaado Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ksuoo aadaya xilli Siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano ay sheegeen in dalka aysan ka dhici Karin xilligaan doorasho qof iyo Cod ah.

 



Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!