DHAGEYSO: Xildhibaan Aadan oo isku soo sharaxay kursigii Jawaari

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku dhawaaqay in uu yahahy musharax u taagan qabashada booskii uu baneeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Aadan Madoobe oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxuu sheegay in fursad weyn ay hortaallo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu intaasi ku daray in uu u u sharaxan yahay qabashada xilka Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka.

Mudane Aadan Madoobe ayaa ka dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in ay codkooda siiyaan.

Sikastaba, Xildhibaankan ayaa horey u soo noqday Guddoomiyihii Baarlamaanka KMG ee Dalka Soomaaliya.