Dhageyso:-Xagee ayuu ku dambeeyey Xisbigii Madaxda Dowladda Federaalka? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhageyso:-Xagee ayuu ku dambeeyey Xisbigii Madaxda Dowladda Federaalka?

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Manta waxa uu ka hadlay doorashada la filayo inay ka dhacdo soomaaliya doorka dhalinyarada iyo diyaar garoowga loogu jiro.

Waxaa uu sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska iloobaan wixii horay u dhacay laakin ay ka fikiraan waxa soo socda ee doorashooyinka iyo Mustaqbka Soomalaiya.

Isaga oo ku hadlayay Magaca Xukuumadda Soomaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qabsoomida doorasho loo dhan yahay taas oo dalka ka dhacdo Sanadka 2019.

“Waa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka fikiraan maxaa soo socda sidee doorweyn ay uga qaadan karaan doorashooyinka soo socda oo aad u soo saari kartaan qof dhalinyaro ah,dowladda Somalia waxaa ay diyaar u tahay qabashada dooorashada ayuu yiri”RW Kuxigeenka dalka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) in wadanka ay xilligaan ka jiraan Xisbiyo badan sidaasi daraadeedna uu soo socdo Xisbiga weyn oo ay ku midoobayaan Madaxda ugu sareysa dowladda fedetaalka.

Hadalkaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) waxaa uu sheegay xilli uu Maanta furay shirka tiknolojiyadda ee Somaliya sanadka 2019-ka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!