Mareeg Media
Somalia

Dhageyso:-Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo looga yeeray Golaha Shacabka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay u yeereen Wasiirada kala ah Amniga iyo gaadiidka iyo dfuulista Hawada si ay wax uga weeydiiyaan Arrimo quseeyo xaalada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka & Duulista Hawada sheegay in looga baahan yahay maalinta Axada inay hor yimaadaan Baarlamaanka,isla markaana Xildhibaanada u diyaar garoobaan.

Wasiirka Amniga ayaa waxaa wax laga weeydiin doonaa xaalada amni ee dalka qorshaha Wasaaradda Amniga uga degsan Amniga iyo qodobo kale,halka Wasiirka Gaadiidka wax laga weeydiin doono xayiraadii Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyoCabasho uga timid Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!