Mareeg Media
Somalia

Dhageyso:-Wasiir beyle oo deg deg uga jawabey mashruucii uu Kheyre hakiyey

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa sheegay in dib loogu noqonayo mashruucii horumarinta Dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in mashrucaas qeylo dhaan farabadan ay ka timid,isla markaana dhamaan la isugu yeeri doono dhinacyada ay quseyso.

Masharuuca horumarinta Magaalada Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa ahaa mid laga reebay Maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo saaxiibo dhow la ah Dowladda halka Maamulada kale iyo Gobolka Banaadir loo kala siiyey min 28 Milyan oo Dollar.

Ra’iisul Wasaaraah xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheytre ayaa sheegay in mashruucaas uu hakiyey,kadib markii dhaleeceyn iyo doodo dhinaca Baraha Bulshada ah uu ka dhashay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!