Dhageyso:-Wasaarada Amniga Oo Ka Hadashay Khasaaraha Qaraxii Maanta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhageyso:-Wasaarada Amniga Oo Ka Hadashay Khasaaraha Qaraxii Maanta

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Maxamed {Axmed Carab), oo saxaafadda kula hadlay halka uu ku qarxay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa sheegay in halkaasi ay ku dhinteen 5 qof oo shacab ah, 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin qaraxa islamarkaana ay cambaareynayaan waxaana hoosta uu ka xariiqay in baaritaano ay sameyn doonaan.

Waxa uu tacsi u diray dadka qaraxa ku dhintay halka uu caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay.

Tan iyo markii ciidamadda Caasimadda ay baaritaano ka sameeyeen isgoysyadda Muqdisho ayaa caasimadda laga dareemay isbadan amni, qaraxan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay Bishan July 2017.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!