Dhageyso:-Somaliland oo Farmaajo ku eedeysay inuu burburiyey heshiis ay la galeen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhageyso:-Somaliland oo Farmaajo ku eedeysay inuu burburiyey heshiis ay la galeen

Soomaaliland ayaa ka hadashay wada-hadallda Dowladda Soomaaliya ay wado in dib loola bilaabo Soomaaliland,kaas oo shirar horudhac u ah lagu qabtay Magaalada muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga u qaabilsan Somaliland wadahadalka dowladda Soomaaliya   Adna Aadan Ismaaciil ayaa sheegtay in madaxwaynaha Soomaaliya uu bur buriyay heshiisyadii horay ay u wada galeen labada dhinac .

Waxa ay sheegtay in madaxwaynaha uu muddo sadex sano ah wada-hadalkii socday oo ay soo bilaabeen Madaxdii ka horeysay uusan dib u fiirin balse hadda uu doonayo in uu dib u soo bilaabo wada-hadalo cusub.

Wada-hadallada Soomaaliland iyo Dowladda Federalka ayaa waxaa ay hakad ku jiraan tan iyo sanadkii 2014, iyada oo dhowr mar ay fashilmeen kulamo la doonayey in lagu wada hadal-siiyo.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!