Dhageyso:-Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyey doorashada soo socota

Read Time:49 Second

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Dowladda ay sharci ku dhamqaan,isla markaana aysan waqti u dhimin wax aan waxba kasoo baxeyn.

Waxaa uu soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka,waxaana uu sheegay in xilligaan aysan muuqan qorsho dhab ah oo dowladda ay ugu diyaar garowdey doorashada soo socota.

“Runtii anaga nooma muuqato in dalkaan doorasho ay ka dhaceyso,waayo waxaa la rabaa in dad meel aan la ogeyn laga keenay ay codeeyaan taasina suurtagal mahan in afar sano oo kale la iska sii joogo,waxaana rabaa inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in dowladda looga aahan yahay in dadka ay ka dhigto kuwo xur ah,isla markaana howlaha doorashooyinka ee ka socda Galmudug Xildhibaannada loo ogolaado inay musharixiinta la kulmaan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %