Dhageyso:-Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Nin is qarxin lahaa

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukun ku riday laba Xubnood oo katirsan Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo mid kamid ah lagu eedeeyey in uu isku qarxin rabay madaxda Hoggaanka Ahlusunna.

Ninkaan oo lagu Magacaabo  Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa ku eedeysan in  23/5/2019,isaga oo xiran jaakada qaraxyada,isla markaana doonayey in uu isku qarixyo munaasabad ka socotay degmada  Guriceel  oo ay ku sugnaayeen Hoggaanka Ahlusunna ee ku biiray Galmudug la qabtay.

Cali dhubad Nuure Siyaad oo ah Eedeysanaha labaad ee ayaa waxaa Xeer ilaalinta  Maxkamadda ku eedeysan inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa sahminta uu Xaflada keenay eedeysanaya koobaad si uu isku qarxiyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugnaa degmada Guriceel ay Maxkamadeynta ka dhacday ayaa sheegay in lagu xukumay Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan & Cali dhubad Nuure Siyaad Xabsi daa’in.

https://mareeg.com/wp-content/uploads/2019/11/shuute.mp3