Dhageyso: Maxaabiis dilay askari u adeegayey oo dil lagu xukumay

Read Time:59 Second

Mareeg.com: Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya aya maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi daa’in ku riday dhalinyaro lagu soo Eedeeyay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo kuwa dad ku dilay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar.

Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay eedeysanayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa lagu hasytay dil ay u geysteen askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada Soomaaliya oo maxbuus ahaan ugu jiray xabsiga dhexe.

13-eedeysane oo Maxkamadda la horkeenay ayaa 7-ka mid ah waxaa lagu helay dambiga ah inay dileen Marxuum la oran jiray C/casiis Muxudiin Hiraabe oo ka tirsanaa ciidanka xoogga, kaasi oo ka mid ahaa maxaabiista, islamarkaana u adeegayay maxaabiita dishay, ayaa lagu xakumay dil toogasho ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa waxa ay lixda kale ee 13-ka ka midka ahaa ku xakuntay xabsi daa’in, kaddib markii ay lagu helay dambiga ah inay gacan ku siiyeen dilka askariga.

Halkaan ka dhegeyso Afhayeenka Maxkamadda ciidamada Soomaaliya, Kornayl Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse.

https://www.mareeg.com/wp-content/uploads/2014/08/Xukun.mp3?_=1

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %