Dhageyso:-Madaxweyne Waare Oo Si Adeg Uga Hadlay Khilaafka U Dhaxeeya
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaafka a u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlada jabuuti.
Madaxweyne waare oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa waxa oo uu la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da waxaa uu sheegay in uu aad kaga xun yahay khilaafka haatan u dhaxeeya Dowladaha Walaalaha ah ,islamarkaana uu ku baaqayo in si deg deg ah loo xaliyo.
Riix Halkaan Si Aad Codka u Dhageysato.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in aysan marnaba ilaawi doono abaalka ay u galeen.
”Xaqiiqdii sigaar ah ayay noo taabaneysaa cabashada walaalaheena reer Jabuuti oo dhiigeena inoo huray oo noo guday abaalkii aan u galnay xilligii xurnimadii,waxaana rajo ka qabaa in wax walba oo jira sihoose loo xalin doono laakin mar walba ma ahan kuwo naga go’aayo Jabuuti ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Dowladda jabuuti ayaa si weyn kaga carootay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo), ee ku aadanaa In cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Eretria.
Comments are closed.